Home Ciyaaraha Maanta Raysal wasaare Xamse oo kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada labada Aqal...

Raysal wasaare Xamse oo kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda maamulka Puntland

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xalay hoygiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde iyo Mudanayaasha kale labada ee kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaaraha iyo mudanayasha labada Aqal  ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahayeen xal u helida xaalada ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan, magaalada Laascaanood oo mudo aad u dheer ay ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Xildhibaanada warbixin ka siiyay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalada ay wado Xukuumaddiisa ee ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka ka jira deegaanada Puntland.

Xamse Cabdi Barre ayaa Xildhibaanada labada Aqal ka dalbaday iney kala shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida si loo gaaro horumarka uu dalka hiigaanaayo, iyadoo ugu dambeyn la sheegay in si wanaagsan ay isugu afgarteen Raysal wasaaraha iyo Xildhibaanada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaarahe Xamse Cabdi Barre.

Gababadii kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali uu jiro khilaafka u dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo maamulka Puntland, islamarkaana wax heshiis ah aan laga gaarin khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamulka Puntland.

Previous articleDowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay inay Xiriir La Leedahay IRAN
Next articleMasuulkii Ka Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir ee Lasheegay inuu Alshabaab u goostay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here