Home Ciyaaraha Maanta Sirdoonka Soomaaliya ay xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya ee hubka u...

Sirdoonka Soomaaliya ay xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya ee hubka u iibiya Al-Shabaab,

0

Madaxa hay’adda sirdoonka Kenya ee NIS, Nuuradiin Xaaji, ayaa khamiistii la soo dhaafay socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya isaga oo kulan la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale dhigiisa Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid ahaayeen iskaashiga xog isdhaafsiga labada sirdoon ee ku aadan ururka al-Shabaab iyo khataraha kale ee amni.

Ninka ay xogtiisa wadaageen sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya

Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, muwaadin u dhashay waddanka Kenya, oo udub dhexaad u ahaa saanad iyo qalab helista ururuka al-Shabaab ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Kenya.

Ninkaan ayaa sirdoonka Soomaaliya xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya kadib markii tekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay konteenar qalab ciidan siday bishii May ee sanadkaan, kaas oo sida naloo xaqiijiyay uu masuul ka ahaa ninkaan u dhashay Kenya. Sirdoonka ayaa xilligaas sheegay in ay baaritaan gooni ah oo ay sameeyeen ku heleen xogta qalabka ku jiray konteenarka.

Ninkaan oo aan magaciisa naloo xaqiijin ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Mombasa ee waddanka Kenya. Sida lagu heshiiyay waxaa lagu maxkamadayn doonaa gudaha Kenya.

Dhanka kale sirdoonka Soomaaliya ayaa baaritaan ku wada shaqsiyaad kale oo loo maleynayo in ay ku lugleeyihiin alaabaha dibadda looga soo dhoofiyo ururka al-Shabaab.

Maxaa kale oo laga wada hadlay?

Iskaashi dhanka amniga ah, gaar ahaan dagaalka cusub ee lagula jiro al-Shabaab ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ay wadahadalka ka yeesheen labad masuul.

Is dhaafsiga xogta iyo sidoo kale ka warhaynta dadka isaga talaabaya xuduudaha labada waddan ee isku furan ayay sidoo kale diiradda saareen.

Ciidamada Kenya ee aan qaybta ka ahayn hawlgalka midowga Afrika ayaa horay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ugu heshiiyeen in ay qayb ka noqdaan wajiga labaad ee hawlgalka deegano badan looga xorayn doono al-Shabaab.

Waa kuma Nuuradiin Xaaji

Nuuradiin wuxuu 3 July 1973 ku dhashay magaalada Malindi ee ka tirsan gobolka Xeebta, Kenya.

Waxaa uu iskuulka hoose dhexe ka soo dhigtay meelo kala duwan maaddaama uu aabbihii shaqaale dowladeed ahaa oo marba meel loo baddalayay , sida Garissa, Nakuru, Nyanharuru, Nyeri, Eldoret iyo Mombasa oo Kenya ka wada tirsan.

Wuxuu Nuuradiin shahaadada sare ka heystaa siyaasadda ammaanka qaranka, oo uu ka soo bartay Jaamacad ku taalla dalka Australia.

Hooyadiis waxay ahayd macallimad. Waxaa uu aad u ammaanay waaliddiintiisa oo uu sheegay in heerka uu gaaray ay gacan wayn ka geysteen.

Waxaa uu shaqadiisa ku billaabay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu qareen ka noqdo.

Waxaa uu sidoo kale xubin ka ahaa laanta sirdoonka qaranka oo uu u qaabilsanaa dhanka sharciga.

Waxaa uu sidoo kale mar ahaa agaasime ku xigeenka laanta la dagaallanka dambiyada abaabulan, waxaa uuna xilligaas shaqadiisa ka mid ahaa in uu talo siiyo agaasimaha sirdoonka qaranka Kenya, gaar ahaan dhanka sharciga la dagaallanka dambiyada abaabulan.

Waxaa uu hadda haya xilka xafiiska dacwad oogaha guud ee Kenya.

Nuuradiin, kahor inta aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday agaasime ku xigeenka waaxda ka hortagga dembiyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeynayay markaas.

 

Previous articleMaxkamada darajada kowad ee ciidamada qalabka sida ayaa manta xukun adag ku riday nin lagu helay.
Next articleGuudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiirro katirsanaa maamulkiisa kuwa cusubna magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here