Home Wararka Somaliya Somaliland Somaliland oo cafisay dhallinyarada Buurta Gacan Libaax Kula Dagaalantay una Diratay inay...

Somaliland oo cafisay dhallinyarada Buurta Gacan Libaax Kula Dagaalantay una Diratay inay Galaan Dagaalka Laasacanood lagu Qabanaayo

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay go’aan kasoo baxay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi oo ku aadan JabhadDa hubeysan ee ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in la cafiyey dhallinyarada fuushay Buurta Gacan-Libaax, isla-markaana aysan jirin doonin wax loo raacan doono hadda kadib.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha uu aqbalay cafiska loo fidiyay dhalinyaradaas oo muddooyinkii u dambeeyay dhaq-dhaqaaq ciidan ka waday halkaasi.

“Iyada oo aanu raacayno aqbalaaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah masuulka u sareeya dalka waxa ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo saartay qoraalkan oo ay ku cadaynayso in aan dhalinyaradii hubka la fuulay Buurta Gacan-Libaax xukuumadda wax alla waxay u raacaysaa jirin halkaana arrinkaas lagu soo xidhay” ayuu lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa intaasi kusii dartay in arrintu ay halkaas ku soo dhammaatay, ayada oo ka rajeysay dhinaca kale inay nabadda qaataan.

“Waxa aanu rajeynaynaa in cidkastaa oo ay khusayso arinkaas sidaa ku aqbalaan oo arinkaasi halkaa ku xidhmo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay Somaliland.

Dhallinyaradan cafiska loo fidiyay ayaa horay u fulisay weeraro hubeysan oo qaarkood lagu dilay askar ka tirsaneyd Somaliland, balse xiisadda ayaa haatan xal waara laga gaaray.

Weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay bartamaha bishii hore ayaa waxaa Somaliland looga dilay 9 askari, kadib dagaal dhex-maray ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Gacan-Libaax.

Si kastaba, heshiiska haatan la gaaray oo meesha ka saaraya xiisaddii taagneyd ayaa yimid, kadib dadaallo ay sameeyeen xildhibaanada Somaliland iyo odayaasha dhaqanka.

Previous articleIran iyo Sacuudi Carabiya oo 7 sano kadib is-dhaafsaday safiiro
Next articleCiidmada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Dhul Hor leh Kasaaray Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here