Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu dambeeyey dagaalka caasimadda Libya

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka caasimadda Libya

0

Dagaalka laba koox oo hubeysan ku dhex-maray caasimadda Libya ee Tripoli ayaa dilay ugu yaraan 27 qof, halka 106 kale ay ku dhaawacmeen, waxaa sidaas maanta sheegtay Xarunta Caafimaadka Degdegga ah.

Xarunta, oo bixisa adeegyada degdegga ah ee galbeedka Tripoli, ayaa khasaaraha horudhaca ah ku daabacday boggeeda Facebook xalay.

Dagaalka oo u dhaxeeya labada koox ee awoodda badan ee Guutada 444 iyo Al-Radac, ayaa qarxay habeenkii Isniinta, wuxuuna si xooggan u socday maalintii Talaadada oo dhan.

Qoysas gaaraya 234 ayaa laga soo daad-gureeyay jiidaha hore ee dagaalka ee duleedka koonfureed ee caasimadda, iyo sidoo kale dhaqaatiir iyo shaqaale caafimaad oo ku xannibmay dagaalka ayaga oo daryeelaya dhaawaca.

Saddex isbitaallada guur-guura ah iyo ku dhowaad 60 gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa la geeyay aagga markii uu dagaalka qarxay.

Isku dhacyada ayaa ka dhashay kadib markii taliye ka tirsan Guutada 444, Mahmud Hamza ay garoonka diyaaradaha Mitiga ku xireen Xoogagga Al-Radac, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

 

Previous articleXildhibaan Jacfar oo Weerar Afka ah ku Qaaday Rag u Hogaaminaayay Nabadoon xaad
Next articleMasaajid Ku Yaalay Dhuusamareeb iyo Kitaabadii Ku Jiray oo lagubay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here