Home Wararka Caalamka Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Huwanta oo Gaaray Duleedka Degmada Ceelbuur

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Huwanta oo Gaaray Duleedka Degmada Ceelbuur

0

Ciidamada Dowlada ee Weerarka ku qaaday Degmada Ceelbuur ayaa Saakay Markale la wareegay Degaano ku dhow Degmada Guriceel Ciidamadii ka baxay Dhuusamareeb ayaa Goordhow la wareegay Deegaanka Ceelmeygaag oo Degnada Ceelbuur u jira 30 km Kaliya.

Ciidamadaan oo Tan iyo Shalay Qabsanaayay Magaalooyin Cusub ayaanan La kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid Dhanka Alshabaab kuwaas oo isaga baxay Kahor intay aysan Ciidamadu Gaarin Dhulkaas.

Alshaabaab ayaana Wadooyinka galiyay Minooyin kuwaas oo ciidamada Dowladu ay Bixiyeen ayagoo wax qasaara ah gaysan Dhanka kale Diyaarado Dagaal oo Ka qayb qadanaaya Howlgalkaan ayaa Alshabaab ku Duqaynaya Dhul Howd ah oo alshabaab Galeen

Ciidamada Dowlada ayaana shalay Qabsaday Magaalooyin waawayn oo istiraatiiji u ahaa Ashabaab oo ay kamid yihiin Cowswayne, Jaaw, Iyo Degmada wabxo Ciidamada Dowlada ayaana Sadex jiho Ka weeraray Degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.

jihada Dhuusamareeb oo ay kasoo baxeen Ciidamo badan oo ay hogaaminayaan saraakiil kasoo jeeda beesha Duduble, Jihada Maxaas oo ay hogaaminayaan Saraakiil kasoo jeeda Beehs Mursade kuwaas oo shalay Qabsaday Degmada wabxo iyo Jihada Dhanka Guriceel ay Hogaaminyaan Sarakiil kasoo jeeda beesha Cayr Weerarkaan ayaana waxaa ka qaybqadaanaaya Ciidamo ka badan 10 kun oo askari.

dowlada ayaana la timid Qorshe Cajiib ah kaas oo alshabaab looga Sifaynaayo Howdka kahor intaa aan la qaban magaalooyinka Alshabaabka Galmudug Kusugan ayaanan Haatan Haysan meel ay kabaxaan wa inay Dagaalamaan ama ay isdhiibaaan taas ayaana ah wadada kaliya ee Furan.

Previous articleXasan Cabdiraxmaan Indha-Yare oo Dhawaan Garoonka Adan Cadde ku Dilay nin Kenyaan ah oo Xukun Lagu Riday
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo U Yeeray Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya kadib…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here