Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dil Goordhow loo Gaystay Sheekh Mukhaar oo lagu Dilay...

Wararkii ugu Danbeeyey Dil Goordhow loo Gaystay Sheekh Mukhaar oo lagu Dilay Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saaka koox hubeysan ay ka fulisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Imaam Masjir oo magaciisa lagu koobay Sheekh Mukhaar, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayay kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee ku yaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ku hubeysnaayeen Bistoolado, isla-markaana ay si deg-deg ah goobta uga baxsadeen, kadib toogashada

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashada loo geystay Imaamnka oo caan ka ahaan degmada Wadajir.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada xigay.

Previous articleWararkii ugu dambeeyey tirada Soomaalida ku dhimatay dhul-gariirka Turkey oo korortay
Next articleMadaxweyne Qoorqoor oo ka qeyb galay xaflada caleemo saarka Gudoomiye Muxyadiin Aadan Wali (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here