Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Hoobiye kusoo dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Wararkii Ugu Danbeeyey Hoobiye kusoo dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

0

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa hoobiye xalay ku dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Hoobiye oo hal xabo ahaa kusoo dhacay guri uu dhisme ka socday oo ku yaalla nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Qaranka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Guriga ayaa la sheegay in xilligaas aysan dad ku sugnayn, mana jiro wax khasaare nafeed ah marka laga tego burbur xoogan oo soo saaray dhimsha uu ka dhacay hoobiyaha.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan hoobiyahaasi ku dhacay agagaarka Villa Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa cabsi dareemay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah balse ma jirin madaafiic kale oo laga maqlay halkaasi, ayada oo markii xaaladda ay caadi kusoo noqotay.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah ka fuliso magaalada Muqdisho, ayada oo beegsato xarumaha muhiimka ah ee ku yaallo gudaha caasimada.

Previous articleSomaliland oo ka laabatay qoraal yaab leh oo ay horey u soo saartay
Next articleWar deg Deg ah: Maxakamada Racfaanka Gobalka Banaadir oo kiiskii Sayid kasoo Saartay Amar layaab leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here