Home Wararka Somaliya Galmudug Xubin ka tursan sirdoonka Kenya oo Muqdisho Soo Gaaray

Xubin ka tursan sirdoonka Kenya oo Muqdisho Soo Gaaray

0
  • Taliyaha hayada Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu kusoo dhoweeyey agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Salaad.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, socdaalka taliye Nuuradiin Xaaji ayaa la xiriira sidii labada hay’ad sirdoon “ay isaga kaashan lahaayeen amniga labada dal, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo is dhaafsiga xogaha la xiriira kooxaha argagixisada ah.”

 

 

Ka sokow kulanka uu la leeyahay Mahad Salaad, taliye Nuuraaddiin ayaa sidoo kale la sheegay inuu Muqdisho kula kulmi doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Socdaalka taliye Nuuradii ayaa imanaya ayada oo toddobaadyadii dhowaa ay aad u kordheen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya, kuwaasi oo dad badan lagu dilay, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.

 

 

Kororka weerarada ayaa dhaliyey in Kenya ay dib u dhigto dib u furista xadka ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki Arbacadii.

Bishii May, waxay labada dowladood ku heshiiyeen in dib loo furo muddo 90 maalmood gudahood ah dhowr xaruumood oo xudduuda ah oo ay ku jiraan Mandheera, Liboi, iyo Kiunga, kuwaas oo xirnaa tan iyo 2011 markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Koonfurta Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan la-dagaalanka Al-Shabaab.

“Dowladdu waxay dib u dhigi doontaa qorshaha gabagabada ah ee dib loogu furayo xudduudaha Kenya iyo Soomaaliya si wax looga qabtoo qabto mowjadaha weerarrada argagixisanimo iyo dambiyada xudduudaha,” ayuu Kindiki kusoo qoray Twitter-ka.

 

Previous articleAadan Madoobe oo magacaabay guddi kasoo talo bixiya heshiiskii doorashada ee Madasha Wadatashiga Qaran
Next article“Baarlamanka maanta cashar ayuu u dhigay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here