Home Ciyaaraha Maanta Axmed Madoobe oo Golihiisa Wasiirada kala hadlay dardargelinta hawlgalada..

Axmed Madoobe oo Golihiisa Wasiirada kala hadlay dardargelinta hawlgalada..

0

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa gelinkii dambe ee maanta shir guddoomiyay shir degdeg ah, oo uu Golihiisa Wasiirada kaga la hadlayay hawlgalada ka socda Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Xagar, ka dib in ka badan 15 sano oo maleeshiyada Al Shabaab ay ka arriminayeen.

Shirka oo sidoo kale uu ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa diiradda lagu saaray, sidii ciidamadu ay u sii wadi lahaayeen hawlgalka dib-u-xoreynta deegaanada Jubbaland.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in hawlgalka lagu qabtay Xagar uu bilow u yahay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Mar sii horreysay Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in hawlgalku uu noqon doono mid dadka reer Jubbaland lagaga dulqaadayo maleeshiyadaasi.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in muddo ahba wadday qorshe wejiga labaad ee hawlgalka loogu qabanayo dhulka ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

mar walbo kala soco werar update ah

Xaquuqda sawirada dhacdo

Previous articleRuushka oo ka xanaaqay tallaabo uu Turkigu qaaday,,
Next articleHiiraan: Miino Al-Shabaab ku aaseen wadada oo ay ku dhinteen dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here