Home Ciyaaraha Maanta Hiiraan: Miino Al-Shabaab ku aaseen wadada oo ay ku dhinteen dad Shacab...

Hiiraan: Miino Al-Shabaab ku aaseen wadada oo ay ku dhinteen dad Shacab ah.

0

Sideed ruux oo Shacab ah kana koobnaa laba qoys ayaa ku geeriyooday Qarax ay wadada ku aaseen  Al Shabab.

Dadka geeriyooday ayaa saarnaa mooto nuuca Beeraha ka shaqaysa taas oo ka qaadday degmada Buulo barde kuna sii jeedday deegaanka jicibow ee gobolka hiiraan.

Sideeda ruux ee dhimatay lix ka mid ah ayaa ahaa caruur sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Cismaan Geedi Cilmi Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Buulo barde.

Kooxda khawaarijta ee caadeysatay daadinta dhiigga shacabka ayaa beegsatay dadkan shacabka ah ee carruurta u badan, ma ahan mid cusub oo hadda iyo gooraale ayay shacabka xasuuqaan kooxdan argagixisada ah.

 

Previous articleAxmed Madoobe oo Golihiisa Wasiirada kala hadlay dardargelinta hawlgalada..
Next articleDhacdo aragagax leh oo ka dhacday deegaan hoostaga degmada Baledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here