Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo Caawa Digniin Kama Danbays ah Udiray Beesha Sacad

Booliska Soomaaliya oo Caawa Digniin Kama Danbays ah Udiray Beesha Sacad

0

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale dalbaday in laga guuro dhulka Dabdamiska ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano, gaar ahaan dhanka xigta degmada Wadajir, halkaas qoysaska degan ay si cadbu diideen inay ka guuraan.

Waa markii 3-aad oo booliska Soomaaliya uu dirayo digniin noocaan ah, si looga guuro dhulkii u ahaan jiray xerada gaadiidka Dabdamiska, halkaas oo in ka badan 30 sano deegaan u aheyd dad shacab ah.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuu mar saddexaad ku wargelinayaa dadka degan xerada dabdamiska booliska, inuu dhamaaday waqtigii loo qabtay, waa inay ka guuraan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sida ku cad qoraalkaan booliska Soomaaliya ayaa waqti kale u qabtay qoysaska degan xerada Dabdemiska Booliska, waxaana ugu dambeyn laga doonayaa inay ka guuraan 20-ka bishaan.

Waa toddobaad kale, waxaana qoraalkaan lagu cadeeyey in halkaas laga dhisi doono xero buuxisa baahida loo qabo dabdemiska oo baahi weyn ay u qabaan dadka reer Muqdisho.

“Qof kasta oo degan xeradaas waxaan ku wargelineynaa inay muqadas tahay baneynta xerada dabdemiska ciidanka booliska Soomaaliyeed, ugu dambeyn 20-ka Abriil, si loo dhiso xarunta dabdemiska booliska oo bulshadu baahi weyn u qabto,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Qoraalka booliska Soomaaliya ka soo baxay waa kii 3-aad, waxayna reeraha degan xeradaas si cad u diideen inay ka guuraan dhulkaas ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano oo dowladnimada Soomaaliya ay burbursaneed.

Qoysaska degan xeradii hore ee dabdemiska booliska Soomaaliya ee ka biyo diiday inay ka guuraan ayaa u badan beesha Sacad ee Habargidir, waxayna wacad ku mareen inay dagaalami doonaan hadii dowladdu isku daydo inay xoog ku barakiciso qoysaska degan Ex ‘Xero Dabdemis.’

Bilo ka hor booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa loo diray halkaas si ay u barakiciyaan reeraha degan, balse qorshahaasi wuxuu fashilmay markii ciidankii la diray ay dileen askari boolis ah oo ka dhashay Beesha Sacad, kaas oo waardiye ka ahaa Ceelbiyood xaafadaas laga cabo.

Guud ahaan siyaasiyiinta beesha Habargidir ayaa dilkaas kadib goobta tegay, waxaa Seybiyaano ilaa Banaadir is qabsaday banaanbax wayn oo dadka halkaas degan ay dhigeen, waxaana dowladda lagu eedeeyey inay ku soo duushay qabiil gaar ah.

Previous articleFaahfaahin Iiraan oo gacanta ku dhigtay markab xiriir la leh ISRAEL
Next articleFaahfaahin Weerar dad badan lagu laayay oo ka dhacay Australia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here