Home Ciyaaraha Maanta Hayada duulista rayidka Soomaaliyeed oo warbixin kasoo saartay diyaaradii shilka ku gashay...

Hayada duulista rayidka Soomaaliyeed oo warbixin kasoo saartay diyaaradii shilka ku gashay Muqdisho.

0

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay sababta ka dambeysay shil diyaaradeed oo Muqdisho ka dhacay, oo geystay dhaawaca labo qof oo kamid ahaa rakaabka diyaaradaas.
Warbixin horudhac ah oo kasoo baxday hay’adda duulista ayaa lagu sheegay in diyaaraddu ay ka baxday dhabbaha ay ku degto, taasoo ahayd sababta ay shilka u gashay.

Hay’addu waxay sheegtay in diyaaradani ay u kiraysnayd shirkadda HALA Airline. Waxayna intaas ku dartay inay kasoo duushay madaarka Garowe oo ay saarnaayeen 34 rakaab ah iyo 4 shaqaale ah.

Hay’adda waxay sheegtay inay socdaan baaritaan ku aadan sababta diyaaraddu uga baxday dhabbaha ay ku duusho, waxayna sheegtay inay kasoo saaridoonto warbixin rasmi ah.

 

Previous articleShirkii Isimada Puntland oo Fashilmay iyo Cumar Cabdirashid oo Ka Hadlay.
Next articleMucaaradka Maantay la shiraaya Xasan Shiikh oo Xalay Shiray Maxay Kawada Hadleen?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here