Home Wararka Somaliya Galmudug Nabaddoonno uu Hogaaminaayay Sheekh Shariif oo xal ka gaaray dagaal beeleedyo lagu...

Nabaddoonno uu Hogaaminaayay Sheekh Shariif oo xal ka gaaray dagaal beeleedyo lagu Hoobtay

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Dhexe ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaaf muddo u dhaxeeyay beelo halkaa wada daga oo ay ku baxeen madax iyo oday dhaqameedka deegaanka.

Deegaanka Burka Diirimeed oo ka tirsan Shabeelleada Dhexe ayaa xalay lagu soo gabagabeyay heshiis beelahaas ay wada gaareen isla markaana maalmahaan ay waan-waantooda ku jireen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Wasiirka dib u heshiisiinta maamulk Hirshabeelle Cabdullaahi Cadde ayaa sheegay in wali ay sii wadayaan dedaallada nabadeed ee socda, madaxduna ay halkaa sii joogayaan tan iyo inta laga dhameynayo waxa harsan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii la so dhaafay ku sugnaa deegaannada u dhow dhow magaalada Jowhar si xal looga gaaro dagaal beeleedyo halkaa ku soo noqnoqday oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Previous articleAgaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo Shaaciyay Sababtii uubisku Casilay
Next articleWariye Bushaaro Baandey oo xukun lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here