Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Qaraxyo Caawa Ruxay Muqdisho iyo Khasaaro ka Dhashay

War Deg Deg ah: Qaraxyo Caawa Ruxay Muqdisho iyo Khasaaro ka Dhashay

0

Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa qaraxyo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi Boondheere iyo Yaaqshiid.

Goobjoogayaal ayaa Calanka Media u sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay isgoyska Dabka, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliska ee degmada Waaberi.

Qaraxaas noociisa wuxuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxayna ku jirtay Bac-madow, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa waxaa la dhigay banaanka hore ee meherad Jalaatada iyo Macmacaanka lagu iibiyo oo lagu magacaabo Aadan-neyntiin.

Ciidamada ammaanka ayaa ka war-helay in qaraxaas Meesha la dhigay, kadibna waxaa la xiray wadada, waxaa laga ag fogeeyey dadkii, kadibna waxaa la dalbay miino baar, balse inta uusan imaan miino baarkii ayey qaraxday.

Dadka aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in qofina aysan waxaba ku noqon qaraxa ka dhacay isgoyska Dabka, balse waxaa jira qaraxyo kale oo laga soo sheegayo qeybo ka mid ah magaalada.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ayaa sidoo kale la sheegay inay wax ka dhaceen, Qarax ka Dhacay Boondheere ayaana La Xaqiijiyay inuu Gaystay Khsaaro Xoogan.

Sida ilaha caafimaadka ay inoo xaqiijiyeen shan carruur ah & aabahood oo ku dhaawacmey qarax ka dhacey D/Boondheere oo laamaha amnigu ay dhankoodu ku sheegeen inay dheemish tahay.

Shantan carruur & aabahood ayaa la geeyay isbitaalka Kalkaal ee afarta Darjiin.

Previous articleSoomaaliland oo Saraakiil Sar sare u dirtay Itoobiya Xili ay Weerar isku Diyaarinayso
Next articleDowladda Mareykanka oo sheegtay Waxa ay kasamaynayso Musuqii lagula Kacay Ciidanka Danab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here