Home Wararka Somaliya Galmudug Xasan Macallin oo caddaalad degdeg ah u ballan-qaaday maxaabiista Xabsiga Dhexe isaga...

Xasan Macallin oo caddaalad degdeg ah u ballan-qaaday maxaabiista Xabsiga Dhexe isaga Xiran ee aan Maxkamad lasoo Taagin

0

Wasiirka Dastuurka iyo Caddalaadda dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin oo saaka booqasho ku tagay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa maxaabiiska u ballan-qaaday inay heli doonaan caddaalaad degdeg.

Xasan Macallin ayaa sheegay inay billaabeen baaritaan la xiriira maxaabiis uu taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Taliye Shub uu ku sheegay in muddo 10 sano ah ay xabsiyada ku jiraan maxaabiis aan maxkamadi xukumin.

Waxaan idinkugu nimid in caddaaladdu sugnaato oo aad caddaalad heshaan. Waxaan heynaa dambiga aad ku eedeysan tihiin” ayuu Xasan Macallin u sheegay koox maxaabiis ah oo uu la hadlayay, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Wasiirka oo qiray inay jiraan maxaabiis dhaafay muddadii sharcigu oggolaa in xabsiga lagu hayo maxkamad la’aan – ayaa dhinaca kale dafiray hadalkii taliye Shub ee ahaa inay jiraan maxaabiis 10 sano xiran, iyaga oo aan maxkamadi xukumin.

Hadalkii taliyaha waxaan u qaadaneynaa qeylo-dhaan. Ma jirto cid dhaaftay 10 sano” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda Xasan Macallin.

Waxaa booqashadiisa Xabsiga Dhexe ku wehliyay xubno uu ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo ka socday garsoorka iyo maxkamadaha.

 

Previous articleMadaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Xiliga Dootashada Puntland Dhacayso.
Next articleWadamada yurub Ayaa Bilaabay Daad Gureynta Guwaadiniinta ka Jooga Dalka Afgembiga ka Dhacay ee Niger

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here