Home Ciyaaraha Maanta xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi,

xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi,

0

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada Golaha Shacabka ay haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii ay shirar ka bilaabeen halkaasi kuwaas oo ay hoggaaminayaan xubnaha mucaaradka ku ah dowladda.

Villa Soomaaliya oo arrintan ka duuleysa ayaa dhankeeda shalay ku guuleysatay inay baajiso kulan ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka waxayna ku qancisay gudoomiyaha Golaha Shacabka inuu dib u dhigo kulankan illaa inta laga gaarayo Arbacda.

madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa tuhun weyn ka qaba kulanka baarlamaanka, maadaama uu soo baxay guux weyn oo ku aadan in xildhibaanadu ay wadaan mooshin culus oo ka dhan xukuumadda Dan-Qaran.
Intaas kadib madaxa sare ee dalka ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan xildhibaanada Soomaaliyeed, si ay u kala furfuraan, loona qaboojiyo xiisadda hadda taagan.

xildhibaankii hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay dooda baarlamaanka, gaar ahaan wararka ku saabsan mooshinka.

Dalxa ayaa shaaca ka qaaday haddii xilligan xukuumadda laga keeno mooshin, lana rido ay ka dhalan doonto caqabad horleh, sida uu hadalka u dhigay.

“Mideeda kale xukuumadda mooshin laga wadaa, madaxweynaha laga wadaa, guddoonka laga wadaa waxaas haddii ay tahay arrin jirto waxay caqabad ku tahay horay u socodka dowladnimada” ayuu yiri xildhibaan hore Mudane Maxamed Cumar Dalxa. oo uu sii raaciyay “Xukuumadda waa lala xisaabtami karaa, laakin ma’aha in la eryo oo mid cusub la dhiso, taas waxay caqabad ku noqoneysaa jiheynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, marka yaan lagu deg degin ra’iisul wasaare la eryaa”.

Ugu dambeyn Dalxa ayaa farriin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo uu ugu baaqay inuu cashir ka barto hoggaamintiisii hore oo lagu ridday saddex ra’iisul wasaare.

Previous articleKhayre oo kasoo dagay Muqdisho, kadib dalabkii Villa Somalia.
Next articleMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay shir uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here