Home Ciyaaraha Maanta Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay shir uu ku casuumay madaxweyne...

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay shir uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,

0

Shirkaan oo lagu waday inuu maalinta berri ah ka furmo Villa Somalia ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu dib u dhac ku yimid, xilli ay magaalada Muqdisho soo gaareen masuuliyiin uu madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay shirkaan, kaasi oo uu kamid yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

Afhayeen Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynihii hore ee Farmaajo uu shirkaan uga cudur daartay ay tahay maadaama uu leeyahay ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif ayaa horey madaxweynaha uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Siyaasiyiinta uu hadda casuumay Xasan Sheekh ee la filayo inuu la fariisto ayaa war ay ku mideysan yihiin ka soo saaray markii uu soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga oo dhigayey in wax laga bedeli doono nidaamka ay u dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya iyo muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

Previous articlexildhibaanada Golaha Shacabka oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi,
Next articleShirkii Isimada Puntland oo Fashilmay iyo Cumar Cabdirashid oo Ka Hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here