Madaxweynaha Puntland oo maanta u dhoofay dalka Itoobiya
- Posted at 20/04/2017 14:05:00
By Webmaster

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka duulay, isagoo kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarada C/weli Gaas ee Addis Ababa oo noqday kuwo joogto ah, ayaa waxaa markaan safarkiisa uu la xiriiraa ka qeybgalka shirka sanadlaha ah ee Tana forum oo looga hadlo arrimaha amniga Afrika iyo ganacsiga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya ugu qeybgeli doono shirka Shirkani Tana Forum ee u dhexeeya madaxda Qaarada Africa kaasoo looga hadli doonaa xiriirada wadamada Qaarada Africa, siyaasada, Amaanka iyo wixii ka hirgalay qodobadii laga soo saaray shirkan kii ka horeeyey ee sanad kii hore ay yeeshaan, waxaana uu socon donaa shirkani 22-23 bishan.

C/weli Gaas ayaa safarada uu u sado dalka Itoobiya ay noqdeen kuso joogto ah, iyadoo bil walba uu safar ku ago Addis Ababa.    



More News...

Kulan gaar ah oo maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray r/wasaare Khayre iyo wakiillada beesha caalamka

23/08/2017 17:53:00:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Arday Itoobiyaan ah oo buugga mucjisooyinka ku galay arin lala yaabay

23/08/2017 15:56:00:-Kirubel Yilma, oo labaatan sano jir ah kana soo jeeda dalka Itoobiya, ayaa galay buugga lagu diiwaan geliyo mucjisooyinka iyo la yaabka dunida ee Guinness World Records kadib markii uu soo bandhigay arin lala yaabay.

Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna oo hal maamul ku midoobaya

23/08/2017 15:46:00:-Jenenaraal Maxamad Nuur Galaal oo horay ugu mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada milateriga Somalia ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado, isagoona u tegay waan waanta maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, wuxuuna shaaciyay qorshe cusub oo lagu mideynayo Galmudug iyo Ahlu suna.

12 jir xilkas ah oo darawal ka ah booyad waraab gaarsiisa miyi iyo magaalo

23/08/2017 12:13:00:-C/fitaax Maxamed Kaarshe oo da’diisu tahay 12 sano jir ayaa deegaanka Ufeyn oo ka tirsan gobolka Bari ka ah darawaal gaari weyn oo saaran booyad, isla markaana waraabka gaarsiiyo miyiga iyo baadiyaha.

Guddoomiyaha gobolka Missouri oo daqiiqadihii u dambeeyay dil ka bad-baadiyay eedeysane madow ah

23/08/2017 12:55:00:-Guddoomiyaha gobolka Missouri Eric Greitens ayaa baajiyay xukun dil ah oo nin madow ah lagu fulin lahaa kaas oo ku eedeysnaa in uu dilay gabar caddaan ah, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xukunkii lagu riday.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.