Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga
- Posted at 21/04/2017 10:58:00
By Webmaster

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdogan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdogan in najiitda aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu u fidisay bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.



More News...

Shakhsiyaad caan ah oo mar kale xaflad qalin-jabin ah u sameeyeen jaamacadihii ay kasoo bexeen - Yaad ka taqaan?

22/05/2017 18:22:00:-Shakhsiyaadkan caanka ah ee xafladda mar kale loo qabtay ayaa waxaa ka mid ah Oprah WInfrey, Arnold Schwarzenegger, Pharrell Williams, Nick Offerman, Octavia Spence, Helen Mirren iyo qaar kaloo badan.

Ra`iisal wasaaraha oo dhiirigeliyey ciidamada howlgalka caasimadda oo hub soo ururiyey

22/05/2017 16:59:00:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra'isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Haweeney gaari buuxa oo alaab ah kasoo xadday dukaan oo bannaanka mucjiso ku qabsatay

22/05/2017 17:29:00:-Haweeney tuugo ah ayaa gaari kuwa lagu adeegto oo alaa ka buuxda kasoo xaday mid ka mid ah dukaamada Walmar ee dalkaasi Mareykanka. Waxaa bannaanka ku qabsatay arrinlayaab leh kaddib markii ay kaligeed fuftay, alaabtina ka carartay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si diirran loogu soo dhoweeyay Israel

22/05/2017 15:16:00:-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tegay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

LA-YAAB: Askarigii ugu horreeyay ee robot ah oo ku biiray booliska garoonka diyaaraddaha Dubai

22/05/2017 15:40:00:-Booliska Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inuu ku soo biiray askarigii ugu horeeyay ee gacan-ku sameys (Robot) caqli leh.Robot-ka Booliska ah ayaa mid shaqadiisa si xirfad ku jirto u gudanaya isagoo gacan siin doona dadweynaha magaalada Dubai iyo dadka fara badan ee halkaasi u taga dalxiiska.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.