Home Ciyaaraha Maanta Soomaaliya oo loogu deeqay $75 Milyan

Soomaaliya oo loogu deeqay $75 Milyan

0

Bangiga adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya la siiyey kaalmo lacageed oo gaadhaysa illaa $75 million, taas oo ah deeqdii labaad ee la siiyo Soomaaliya, si ay gacan uga geysato koboca awoodda hay’adaha dawliga ah, sida lagu sheegay warsaxafaadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka.

Lacagtan ayaa qayb ka ah, kaalmooyin xidhiidh ah oo la siinayo Soomaaliya, taas oo Bangiga Adduunku uu sheegay inay ka taageerayso Soomaaliya, inay horumar ka samayso hiigsigeeda ku aaddan, inay noqoto mid si rasmi ah ugu qalanta, deyn cafinta.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo hirgelinta barnaamijkeeda dib u habaynta, si loo kobciyo awoodda hay’adaha dawliga ah, loona soo jiito maalgashadayaasha isla markaana loo gaadho koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo shaqo abuur, kuwaas oo ku lingaxan qorshaha horumarinta qaran ee sagaalaad.

Barnaamijka horumarinta qaran ayay ku jiraan qodobo kala duwan oo mudnaan u leh, in Soomaaliya ay horumar samayso, waxaana Bangiga adduunku uu sheegay in qodobadaas qaybo ka mida ay ka taageereen Horumarinta Siyaasadda Maaliyadda ee loosoo gaabiyo DPF.

xigasho voa somali

Previous articleGolaha dhexe ee maamulka Khaatumo oo ka kooban 45 xubnood ayaa maanta loo doortay guddoomiye..
Next articleCanada oo Dadaallo Sharci loogu Raadinayo Dhallinyaro Soomaali Ah..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here