Home Ciyaaraha Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Marxuum Maxamed Deeq Madar.

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Marxuum Maxamed Deeq Madar.

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaaliyeed loogu geystay agagaarka magaalada Port Elizabeth oo ka tirsan gobolka Westren Cape ee dalka Koonfur Afrika oo Soomaalida lagu dhibaateeyo.

Koox burcad Afrikaan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar wuxuuna ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee u shaqo tegay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilay marxuumka ay horay uga qaateen lacag iyo agab kale oo u dhex yaallay dukaankaa.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Previous articleMucaaradka Puntland oo soo saaray bayaan xasaasi ah
Next articleSoomaaliya oo Shaacisay in 14 Sarkaal loo Xiray Weerarkii Kulyada Jaale Siyaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here